Mike Pompeo oo diiday in Sacuudiga lagu daro wadamada Askareeya Caruurta

Xoghayaha Arimaha Dibeda Mareykanka Mike Pompeo ayaa meesha ka saaray in eedaha loo jeediyay dowlada Sacuudiga oo ah Askareynta Caruurta.

Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa lagu eedeeyay in caruur yar yar ay u askareysay dagaalka ka socda Yemen.


Pompeo ayaa tilmaamay in qibrad ahaan uusan aaminsaneyn in Sacuudiga uu dagaalka Yemen u tababaray ilmo ka soo jeeda qoysaska Saboolka.



Hadalkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo siyaasiyiin ka tirsan dowlada Mareykanka ay eed u soo Jeediyeen Sacuudiga.



Maamulka Trump ayaa horay loogu dhaliilay muhiimada uu siiyo amniga iyo dhaqaalaha dalka Sacuudiga ee Hodanka ku ah Saliida.


Dhanka kale arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo uu sii kordhayo xiisada u dhaxeysa Iiraan iyo Mareykanka.

Faallooyin