41 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay dalka Mali

Kooxo hubeysan oo watay mooto ayaa 41 qof ku dilay kadin weerar ay ku qaadeen laba tuulo oo ku taal bartamaha Mali.


Weerarkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo dagaalo u dhaxeeya beelaha dega halkaasi ay ka dhacayeen bilihii la soo Dhaafay.


Gudoomiyaha magaalada Yoro Issiaka Ganame, ayaa sheegay in 24 qof lagu dilay weerar fiidnimadii isniintii ka dhacay Yoro halka 17 kalena ay ku dhinteen Gangafani.


Dadka la dilay ayaa ka soo jeeda qowmiyada Dogons.


Ganame ayaa xusay in ay sii xogeesteen isku dhacyada u dhaxeeya qowmiyadaha Fulani iyo Dogons.

Faallooyin