Shacabka Turkiga oo u duceeyay Mursi iyo Erdogan oo sheegay in la Dilay

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ka qeyb galay salaad Janaaso ah oo loogu duceynayay madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi.


Salaada Janaasada ah ayaa laga oogay dhamaan Masaajida magaalada Istanbul, waxaana ka qeyb gashay kumanaan Ruux.



Waaxda diinta iyo awqaafta ayaa ku baaqday talaadada maanta ah in salaada Janaasadaha ah laga oogo 81-da gobol ee Turkiga.

Mr Erdogan oo kumanaan qof kula hadlay magaalada Istanbul ayaa sheegay in maxamed Mursi uusan dhiman balse uu Shahiiday.


Wuxuu intaa ku daray in cudur dabiici ah uusan u dhiman Mursi balse ay dishay dowlada Masar.



Ma aaminsani in la dilay Mursi ayuu Erdogan u sheegay dadkii salaada Janaasadaha Tukanayay.

Ugu danbeyn wuxuu canbaareeyay sida dowlada Masar u aastay Mursi oo ay duugtiisa ka qeyb galeen tiro yar oo qoyskiisa ka Tirsan.

Faallooyin