Kenya oo caro ka muujisay howlaha Norway ay ka wado Soomaaliya

Dowlada Kenya ayaa caro xoogan ka muujisay howlaha ay Norway ay ka wado gudaha dalka Soomaaliya.


Xukuumada Kenya ayaa sheegtay in Norway ay heshiis la gashay Soomaaliya kaasi shidaal looga qodayo xeebta u dhow Xadka Kenya.


Kenya ayaa sidoo kale la xiriirtay golaha amniga ee qaramada Midoobay, waxaana ay sheegtay in Arintaan ay halis ku tahay Amniga Gobolka.

Sargaal ka tirsan wasaarada arimaha dibeda Kenya oo diiday magaciisa in la xuso ayaa sheegay in Norway ay caqabad ku tahay xiriirka dowladaha Dariska Ah.


Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu xaqiijiyay in Kenya aysan ku faraxsaneyn shirkada shidaalka Norway ee DNO oo qandaraaska ku qaadatay shidaal raadinta Bada.


Arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo dowlada Kenya ay sheegatay in ay leedahay xeebta dalka ee u dhow xadka Kenya.

Kenya ayaa horay rajo xumo uga muujisay dacwada ka socota maxkamada cadaalada ee ICJ.

Faallooyin