Human Rights oo ku baaqday in baaritaan Madax-banaan lagu sameeyo geerida Maxamed Musri

Qaramada midoobay ayaa ku dhawaaqday in baaritaan madax banaan lagu sameeyo waxa sababay geerida madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi oo maalinimadii shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Qaahira.

Mursi oo taagnaa maxkamada ayaa jooga ka dhacayka hor inta aan loola cararin isbitaalka oo ugu danbeyn uu ku geeriyooday, sida ay sheegtay warbaahinta Dowlada.

Musri oo la aasay talaadada maanta ah ayaa waxaa uu ka mid ahaa hogaanka sare ee Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee dalka Masar.


Waa madaxweynihii ugu horeeyay oo si dumuquraadi ah ay u soo doorteen shacabka sanadkii 2012-dii iyadoo sanad kadib milatariga ay afganbi ku Sameeyeen.

Geerida Mursi ayaa waxaa looga tacsiyadeeyay wadamo badan oo ku yaal caalamka, iyadoo masaajidada Turkiga dhamaantood maanta laga wada tukaday salaada Janaasada.

Hogaamiye yaasha Maleysia iyo Qatar ayaa iyagana ka qeyb Galay.


Hey,ada qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa ku baaqday in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo waxa sababay Geerida Mursi.

Marxuumkaan ayaa qoyskiisa iyo qareenkiisaba waxay sheegeen in loo diiday adeegyadii caafimaadka ee daruuriga u ahaa in uu helo mudada lixda sano ee uu xabsiga Ku xirnaa.

Baaqa Human Rights ayaa waxaa ku xusnaa afhayeenka qaramada midoobay Rupert Colville.

Faallooyin