Kooxo hubeysan oo weerar ka geestay bartamaha dalka Mali

Boqolaal ruux ayaa maanta dibadbax balaaraan ka sameeyay magaalada caasimada ah ee Moscow ee dalka Ruushka kaasi oo looga soo horjeedo xariga saxafi ka shaqeeya baaritaanada Qarsoon.



Ivan Golunov oo mudo todobaad ah xirnaa ayaa la sii daayay talaadadii shalay kadib caro ka Dhalatay.

Dibadbaxayaasha ayaa ku eedeeyay saraakiisha Booliska,sida ay ula dhaqmeen saxafigaan rug Cadaaga ah.

Dowlada ruushka ayaa dib uga laabatay dhamaan dacwadihii ka dhanka ahaa Wariyahaan.


Inkastoo la sii daayay wariyahaan ayaa dhanka kale taageerayaashiisa waxay qaateen in ay banaanbaxaan si ay uga dhiidhiyaan xariga loo geestay waxaana ay ugu baaqeen in la ciqaabo askartii ku lugta laheyd Ficilkaan.


Booliska ruushka ayaa dhanka dibadbaxaan ku xiray dhowr qof waxaana ka mid ahaa hogaamiyaha isbaheysiga mucaaradka Alexei Navalny.



Kadib xasuuq maalmo ka hor ka dhacay dalka Mali oo lagu dilay boqol ruux oo rayid ayaa hadane waxaa dib u soo cusboonaaday dagaal u dhaxeeya laba Qowmiyadood.


Arbacada maanta ayaa kooxo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin qowmiyada Fulani iyo Dogon ayaa isku dhac uu ku dhexmaray bartamaha Mali.


Maayarka gobolka Mopti ayaa sheegay in kooxo la aaminsan yahay in ay yihiin qowmiyada Dogon waxay weerar ku qaadeen degmada Bankass.




Faallooyin