Hogaamiyaha Mucaaradka Ruushka oo lagu xiray magaalada Moscow

Boqolaal ruux ayaa maanta dibadbax balaaraan ka sameeyay magaalada caasimada ah ee Moscow ee dalka Ruushka kaasi oo looga soo horjeedo xariga saxafi ka shaqeeya baaritaanada Qarsoon.



Ivan Golunov oo mudo todobaad ah xirnaa ayaa la sii daayay talaadadii shalay kadib caro ka Dhalatay.

Dibadbaxayaasha ayaa ku eedeeyay saraakiisha Booliska,sida ay ula dhaqmeen saxafigaan rug Cadaaga ah.

Dowlada ruushka ayaa dib uga laabatay dhamaan dacwadihii ka dhanka ahaa Wariyahaan.


Inkastoo la sii daayay wariyahaan ayaa dhanka kale taageerayaashiisa waxay qaateen in ay banaanbaxaan si ay uga dhiidhiyaan xariga loo geestay waxaana ay ugu baaqeen in la ciqaabo askartii ku lugta laheyd Ficilkaan.


Booliska ruushka ayaa dhanka dibadbaxaan ku xiray dhowr qof waxaana ka mid ahaa hogaamiyaha isbaheysiga mucaaradka Alexei Navalny.

Faallooyin