Dowlad goboleedka Garissa oo maalaayiin lacag ah u qoondeysay shaqo abuurka Dhalinyarada

Mashruuc balaaran oo lagu daahfurayay maalgalinta iyo shaqo abuurka dhalinyarada oo loogu magac daray Garissa Revolving Fund ayaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee Hotelka Almond ee magaalada Garissa ee gobolka waqooyi Bari.

Bandhigaan ayaa waxaa daahfuray barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane waxaana goob joog ka ahaa wasiirka Ganacsiga mr Cadow Jubat Kaliil,iyo marti sharaf lagu cusuumay oo ka mid yahay mudanaha degmada Balmbala Cabdi Cumar Shuuriye wasiiro ka tirsan xukuumada iyo bulsho weynta deegaanada hoos yimaada Garissa.


Mr Bunow ayaa sheegay in lacagtaan oo dhan boqol konton million oo shilinka dalka Kenya ah uu dadaal badan u galay ugu danbeyn na ay baarlamaanka Garissa ay ansixiyeen,si loo maalgaliyo dhalinyarada.



Barasaabka Garissa ayaa sheegay in jiho ahaan ay ku socdaan wado wanaagsan si ay u gaarto dowladiisa hadafka hormarineed oo ay tiigsaneyso.



Wasiirka Ganacsiga Mr Cadow Jubbat Kaliil oo isna ka hadlay barnaamijkaan ayaa sheegay in dhaqaalahaan uu si cadaalad ah u Gaarsiin doono dhamaan deegaanada Garissa isaga oo aan Cidna u Exaan.

Faallooyin