Bukaan qaba cudurka Ebola oo ku Geeriyooday dalka Uganda

Wiil 5 jir ah ayaa ugu dhintay caabuqa cudurka Ebola ee dalka Uganda,sida ay sheegeen arbacada maanta ah saraakiil ka tirsan wasaarada caafimaadka Uganda kaasi oo faro ba,an ku haya wadanka dariska ay yihiin ee dimuquraadiga Congo.


Wiilkaan oo dhintay habeenimadii xalay ayaa la socday hooyadii oo ka soo laabatay dalka Congo,halkaasi oo ay ugu safartay sidii ay u caawin laheyd aabaheed oo cudurka Ebola ugu geeriyooday Dalkaasi.

Howlwadeenkaan caafimaad oo u waramay wakaalada wararka ee Results ayaa ka gaabsaday in magacooda la Xuso.

Waa markii ugu horeysay oo caabuqa Cudurka Ebola uu dad ku dilo dalka Uganda oo daris la ah wadanka Congo oo tan iyo sanadkii hore ay ku geeriyoodeen 1,390 Ruux.

Faallooyin