Nin Tanzaaniyaan oo lagu helay ka Ganacsiga daroogada halista ah oo lagu xukumay ciqaab Adag

Nin Tanzaaniyaan ah oo lagu qabtay 10.2 Garaam oo daroogada loo yaqaan heroin-ka oo qiimo ahaan dhan 30 million oo shilin una dhiganta 300 oo kun oo doolar ayaa lagu xukumay 30 sano xabsi ah.


Xuseen Mascuud Ciid ayaa sidoo kale lagu ganaaxay in uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 90 Million,iyadoo hadii uu ku guul dareystana uu wajihi doono in 5 sano oo dheeraad ah lagu sii hayo Xabsiga.


Garsooraha maxkamada magaalada Mombasa Edgar Kagoni ayaa sheegay in xukunkaan uu qaban doono cid kasta oo ku lug leh ka ganacsiga daroogada sharci Darada.

Eedeysanaha ayaa u sheegay maxkamada Mombasa in uusan kali ku aheyn kala gudinta daroogadan,balse garsoorka ayaa tilmaamay in aysan taasi u noqoneyn mid lagu marmarsiyoodo.

Dacwad soo oogaha Kenya Erick Masila ayaa dhanka kale weydiistay maxkamada in ninkaan xabsi daa,in lagu Xukumo maadaama ninkaan uu waday daroogo badan oo halis ku ah dhalinyarada Kenya.

Faallooyin