Xuutiyiinta Yemen oo weerar ku qaaday garoon diyaaradeed oo ku yaal Sacuudiga

Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa duqeeyay madaarka diyaaradaha ee Abha ee ku yaal dalka sacuudiga halkaasi oo ay ku dhaawacmeen 26 ruux oo rayid ah oo ku sugnaa dhismaha garoonka,sida laga soo xigtay isbaheysiga Sacuudiga.

War saxaafadeed ka soo baxay isbaheysiga Sacuudiga arbacadaan maanta ayaa lagu sheegay in sadex haween ah iyo laba caruur ah ay ka mid yihiin 26-da ruux ee dhaawaca soo Gaaray.

Dhamaan dadka ku dhaawacmay duqeyntaan ayaa ah dad u dhashay Sacuudiga Yemen iyo Hindiya.

Sacuudiga ayaa sheegay in weerarka xuutiyiinta ka geesteen garoonka Abha uu yahay danbi dagaal iyaga oo ku eedeeyay in hubkaan uu yahay mid laga keenay Iiraan.

Dhanka kale isbaheysiga Sacuudiga ayaa wacad ku maray in si deg deg ah ay jawaab uga bixin Doonaan.

Xukuumada Tehraan ayaa jawaab ka bixin eedeynta loo jeediyay ee ka dhanka ah in ay hubeyso kooxda Xuutiyiinta ee ku sugan dalka Yemen.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegatay duqeynta ay ka fulisay garoonka diyaaradaha Abha oo masaafo ahaan 200 kiilo mitir dhanka waqooyi uga beegan xadka sacuudiga la wadaago dalka Yemen.

Faallooyin