Xubno sare oo ka tirsan mucaaradka Suudaan oo sheegay in laga tarxiilay magaalada Khartuum

Hogaamiyaha mucaaradka Suudaan ayaa sheegay in milatariga haya ay si xoog ah ugu qasbeen in ay u Masaafuriyaan laba ka mid ah hogaanka Mucaaradka.

Arintaan ayaa ka danbeysay kadib dibadbaxyo dhiig ku daatay oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ka dhacay Suudaan.


Sadexda xubnood ayaa mid ka mid ah ahaa mid ka mid ah xisbiga ugu waaweyn,halka labada kale ay yihiin laba ka mid ah hogaamiye yaasha Asxaabta bah wadaaga ay Yihiin.


Milatariga Suudaan ayaa talada la wareegay 12-kii bishii April kadib markii si qasab ah talada looga tuuray madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.


Yasir Arman oo ah siyaasi si weyn looga yaqaano Suudaan iyo xoghayaha guud ee xisbiga SPLM-N mr ismaaciil Jallab iyo afhayeenka xisbiga Mubaarak Ardol ayaa la xiray kadib kulan ay la qaateen maalintii Jimcaha Ra'isul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed.

Faallooyin