Shacabka Mandera oo cabsi ka muujiyay weerar kaga yimaada Al-Shabaab

Shacabka ku dhaqan ismaamulka Mandera ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa waxaa soo wajahay cabsi xoogan kadib markii lagu arkay habeenkii sabtida deegaano ka tirsan Mandera lagu arkay dagaal yahano Hubeysan.


Dadka aan islaamka aheyn ee ka soo jeeda gobolada kale ayaa ka baqdin qaba dhibaato xoogan oo kaga imaan karta kooxda Al-Shabaab.


Mid ka mid ah wariye yaasha ka howlgala idaacadaha maxaliga ayaa u sheegay Universal in dadka madowga ah ay bilaabeen in xilli hore ay guryahooda galaan kadib markii ay soo shaac baxday Cabsidaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowr mar weeraro dad badan lagu dilay ka geysatay magaalada Mandera.


Balse saraakiisha amniga Mandera ayaa shalay balan qaaday in amniga ay xaqiijin doonaan walow qarax xoogan uu hadane saaka ka dhacay degmada waqooyi ee Rhamu.

Faallooyin