Mid ka mid ah madaxweynayaashii hore ee Pakistaan oo lagu xiray magaalada Islamabad

Madaxweynihii hore ee dalka Pakistaan mr Asif cali Zardari ayaa la xiray kadib markii laga diiday racfaan uu Codsaday.

Mr Zardari ayaa lala xiriiriyay ku lug lahaanshaha falal danbiyeedyo ay ka mid tahay adeegsiga lacagaha madow ee la Dhaqdo.



Zardari ayaa ahaa seyga ra'isul wasaarihii hore ee dalka Pakistaan
Benazir Bhutto, oo sanadkii 2008-dii lagu qaarijiyay dalka Pakistaan.

Siyaasigaan ayaa xilka madaxtinimo hayay intii u dhaxeysay sanadkii 2008-da ilaa 2013-kii.


Zardari oo ah hogaamiyaha xisbiga dadweynaha Pakistaan ee loo yaqaan (PPP) ayaa intii ay ciidanka gurigiisa ka wadin waxay isku dhac uu dhaxmaray laamaha amniga iyo Taageerayaasha Xisbiga.

Warbaahinta gudaha Pakistaan ayaa dhanka kale qortay in ciidanka la dagaalanka musuq maasuqa ay su,aalo weydiiyeen gabadha la dhalatay Zardari oo lagu magacaabo Faryal Talpur.

Faallooyin