Ku dhowaad 100 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay dalka Mali

Ugu yaraan 95 qof ayaa lagu dilay weerar habeenimadii xalay ka dhacay tuulada Dogon ee bartamaha Mali sida ay sheegeen saraakiisha Dowlada.


Weerarka oo ay geysteen kooxo hubeysan ayaa sidoo kale lagu la'yahay 19 ruux oo ku nool degmada Sobane-Kou ee gobolka Mopti.


Kooxaha hubeysan ayaa dhanka kale laayay xoolo,waxaana sidoo kale lagu gubay dhowr Guri.



Ilaa iyo hada ma jirto koox sheegatay weerarkaan, waxaana kacsanaan laga dareemayaa tuulada Dagon ee bartamaha Mali.


Bishii maarso ayey aheyd markii koox hubeysan ay weerar dad badan lagu dilay ay ka geesteen tuulada Fulani.

Gudoomiyaha magaalada Bankass Moulaye Guindo ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in weerarkaan ay ka danbeeyaan dagaal yahano ka tirsan qowmiyada Fulani.
.

Faallooyin