Caruur ay dhaleen ajaaniib ka tirsan Daacish-ta Suuriya oo lagu wareejiyay dalal ka tirsan Yurub

Dagaal-yahanada Kurdida ee ku sugan waqooyiga bari ee dalka Suuriya ayaa 12 cunug oo u dhalatay dalka Faransiiska iyo laba Cunug oo Holan u dhalatay ku wareejiyay mas,uuliyiin ka socota Dalalkaan.

Caruurtaan oo mid ugu weyn uu jiro 10 sano ayaa ku noolaa xeryaha dadka ku barakacay dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.


War saxaafadeed uu soo saaray mid ka mid ah mas,uuliyiinta wasaarada Arimaha dibada Faransiiska oo lagu magacaabo Cabdi Kariim Cumar ayaa lagu sheegay in 12 caruur ah ay usoo gacan galiyeen saraakiil ka tirsan Kurdida.


Wareejinta caruurtaan ayaa ka dhacday axadii shalay magaalada Ceyn Ciisaa.



Wafdi ka socda dalka Holand ayaa iyana la wareegay laba cunug oo u dhashay Netherland,inkastoo wasaarada arimaha dibeda aysan Xaqiijin.

Dalka Fariinsiiska ayaa ah wadanka ugu badan oo la tuhmayaasha daacish ay ka barbar Dagaalamaan.

Faallooyin