La tuhmayaal ka tirsan Shabaab oo weerar ka geestay Ismaamulka Mandera

Koox dabley ah ayaa weerar ku qaaday gaari rakaab ah oo marayay tuulada Sabansa Dera oo u dhaxeysa deegaanka Baar iyo Bambo oo dhaca degmada Rhamu ee ismaamulka Mandera.

Gaari ayaa markii hore lala beegsaday qatax wadada lagu aasay oo ku qarxay gaari hortiisa,waxaana xigay rasaas xoogan.


Weerarkaan oo dhacay barqadii maanta ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay saraakiisha amniga ee waqooyiga Mandera.

Saraakiisha amniga Kenya ayaa intaa raaciyay in ay ku raad joogaan dableydaan oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.


Ilaa iyo hada ma jirto qasaare ka dhashay weerarkaan oo soo gaaray rakaabkii saarnaa gaariga la weeraray.


Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo maalintii shalay uu hakad galay isku socodka gaadiidka dadweynaha kadib amar ka soo baxay madaxda amniga ee ismaamulka Mandera.


Maalmo ka hor ayey aheyd markii dagaal yahano ka tirsan shabaab lagu arkay deegaanada u dhow xadka kenya iyo Soomaaliya.

Faallooyin