Mareykanka oo sheegay in Israel ay ku saxan tahay in ay lahaato daanta Galbeed

Safiirka Mareykanka ayaa sheegay in Israel ay ku saxan tahay in ay loo aqoonsado daanta galbeed deegaanada ku yaal oo ay xooga kaga heestaan Falastiin.

Hadalkaan ayaa yimid iyadoo shacabka reer Falastiin ay ka hor yimaadaan qorshaha nabadeed oo ay wado dowlada Mareykanka.

.

Safiirka Mareykanka ee Israel, David Friedman, ayaa tilmaamay in Mareykanka uu taageeri doono dadaalada Qorshahaan.


Wareysi uu siiyay Majalada New York Times ayaa caro wuxuu ku abuuray shacabka Falastiin.


Maamulka Trump ayaa lagu eedeeyay in uu u janjeero dhanka iyo xukuumada Tell Aviv oo uu doonayo in uu ku wareejiyo daanta Galbeed.

Saeb Erekat oo ka mid ah saraakiisha sare ee dowlada Falastiin ayaa sheegay in ay cadeyneyso qorshaha gumeysi ee Israel.



Hanan Al-Sharaawi oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa xoreynta Falastiin ayaa dhankiisa sheegay in Israel dhul ay xaday lagu abaal Mariyo ay cadaalad darro Tahay.

Faallooyin