Ciidanka amniga Masar oo koox hubeysan ku dilay gobolka Siinaay

Ciidanka amniga masar ayaa 14 dagaal yahan ku dilay weerar koox hubeysan ay ku soo qaadeen koontarool booliska ay ku leeyihiin gobolka Siinaay.

Dilka loo geestay dagaal yahanadan ayaa yimid kadib weerar ay khamiistii ay ka geesteen aagaasi oo lagu dilay 8 askari.



War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada amniga ayaa lagu sheegay in dhimashada ay gaari karto 19 dagaal-Yahan.


Iska hor imaadka galabnimadii Arbaada ka bilowday degmada Al-Caarish oo xarunta u ah gobolka Siinaay ayaa waxaa sheegtay kooxda la magac baxday Daacish.

Faallooyin