Madaxda dalka oo loogu baaqay in Jawaab cad ay ka bixiyaan Qariirada loogu gefay Qaranka Soomaaliya

Hogaanka dowlada soomaaliya ayaa si deg deg ah loogu baaqay in jawaab waafi ah ay ka bixiyaan Qariirada Afrika oo si meel ka dhac ah ay Itoobiya ugu geftay Dalka.


Sawir muujinaya qariirada Afrika oo Soomaaliya gabigeed ba lagu daray Itoobiya marka laga soo tago Somaliland oo dhinac u taagan ayaa la soo dhigay,bogga internet-ka ee wasaarada Arimaha Dibeda Itoobiya.


Arintaan oo isla durbadiiba ku faaftay baraha bulshada ayaa waxaa ka carooday shacab weynaha soomaaliyeed inkasta oo Itoobiya ay ka saartay Sawirkaan.



Bulshada soomaaliyeed ayaa qoraalo ay soo dhigeen baraha bulshada ugu baaqay in dowlada ay ka jawaabto arintaan maadaama ay dalka Matasho.


Waxey sheegeen in wax ka liita aysan jirin dal ku xaqiray jiritaankaada wanaagna aysan ka raadinin oo ay ka hadasho dowlada.


Marka laga reebo an arintaan ay qalad dhanka Internetka ah ay ku timid lana baarayo sida ay sheegtay xukuumada Adiss ayaa hadane waxaa jirin raali galin lagu qanci karo oo aysan ka Bixin.


Arintaan ayaa waji gabax ku noqon  doonta xiriirka soomaaliya iyo Itoobiya oo u muuqday bilihii la soo dhaafay in uu ka wanaagsan yahay sida uu ahaan Jiray.



Ra'isul wasaare Abiye Axmed oo sanadkii hore talada la wareegay ayaa siyaasad furfuran ka dhaliyay dalal ay cadaawad hore ka dhaxeysay Itoobiya,walow arintaan ay dhibkeeda hada Leedahay.

Faallooyin