Qarax xoogan oo ka dhacay dalka Faransiiska

Ugu yaraan 13 ruux ayaa ku dhimatay qarax Bam oo ka dhacay magaalada Lyon ee ku taal dhanka koonfur Bari ee dalka Faransiiska.

Weerarka ayaa ka dhacay qalbada wadooyinka waaweyn ee magaalada abaara 5:30 galabnimo ee xiliga maxaliga ah,sida ay xaqiijiyeen Booliska.


Wasaarada amniga ayaa sheegtay in in sideed ruux ay ku dhaawacmeen qaraxa,balse ilo ka tirsan Booliska ayaa sheegay in 13 ruux uu dhaawaca sii Marayo.





Madaxweyne Emmanuel Macron oo shir Jaraa'id qabtay kadib qaraxaan ayaa tacsi u diray dadka ku dhaawacmay Qaraxaan.


Denis Broliquier oo ah gudoomiya magaalada ayaa sheegay in ciidanka amniga ay baadi goob ugu jireen la tuhmaha qaraxaan ka Danbeeyay.



Muuqaalo laga duubay Camerada qarsoon ee CCTV-ga ayaa laga dheehday nin wajiga qarsaday oo wata baaskiil kana tagaya afaafka foorno ku taal goobta ka hor inta uu qaraxa Dhicin.


Dalka Faransiiska ayaa la tacaalaya weeraro kaga imaanaya kooxaha Argagixisada dhowr kii sano ee la soo Dhaafay.


Sanadkii 2015-kii ayey aheyd markii 130 qof lagu dilay toogasho iyo qaraxyo ka dhacay qalbada magaalada Paris.

Faallooyin