Saraakiisha Milatariga Suudaan balan qaad milatari u muujiyay Sacuudiga

Sargaal sare oo ka tirsan Milatariga Suudaan ayaa wacad ku maray in ay taageeri doonaan isbaheysiga gobolka oo uu hogaaminayo Sacuudiga.

Wuxuu sheegay in ay taageeri doonaan dowlada Sacuudiga oo xiriir aad u xun uu kala dhaxeeyo dowlada Iiraan, iyada oo labadan dal ay isku hayaan awooda Bariga Dhexe.

Taliye ku xigeenka Milatariga Suudaan Genaraal Maxamed Xamdaan Dagalo ayaa kulan la qaatay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyaga oo ka wada hadlay Arintaan,sida ay tabisay wakaalada wararka Sacuudiga ee (SPA).


Waxaan ku garab taagannahay Sacuudiga hanjabaad iyo weerar kasta oo kaga yimaada Iiraan iyo kooxda Xuutiyiinta Yemen,sidaasi waxaa yiri Mr Dagalo.


Sargaalkaan oo Naaneystiisu loo yaqaan Xameti ayaa intaa raaciyay in Suudaan ay sii wadi Doonto ciidanka ay u daabuleyso dalka Yemen ee dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta.

Faallooyin