Dad u badan Arday oo ku dhintay dab xoogan oo ka kacay dalka Hindiya

Ugu yaraan 17 ruux oo u badan arday aan qaan gaar aheyn ayaa ku dhintay kadib markii dab xoogan uu ka kacay dhisme ka kooban afar dabaq oo ku yaal magaalada Surat ee dhacda ismaamulka Gujarat ee Bariga Hindiya.

muuqaalo uu baahiyay Tv maxali ah oo ku yaal gobolkaas ayaa laga dheehanayay qeybaha hore ee dabaqa Takshashila oo dab xoogan ka baxayo waxaana qaar ka mid ah dadka ku sugnaa ay isku dayayeen sidii ay ku baxsan Lahaayeen.


Dadka dhintay ayaa badi ahaa arday soo xaadirtay xiisada Fasalka, sida uu sheegay afhayeenka ismaamulka Gujarat Vijay Rupani.


Warbaahinta Trust of India news ayaa sheegtay in dabaqa qeybta afaraad iyo sedaxaad uu dabka qabsaday waxaana ku yaal Xarumo Ganacsi.

Taliyaha ciidanka Booliska Praveen Chaudhary ayaa xaqiijiyay in tiro ka mid ah arday ku dhaawacantay mashaqadaan oo si daran u Gubtay la dhigay Isbitaalada.

Harikrishna Patel oo isna ka mid ah ciidanka Booliska ayaa sheegay in Ardada ku dhimatay dabkaan ay da'doodu ka yartahay 20 Sano.


Dabkaan oo kacay abaara 3:45-4:00 pm ee xiliga maxaliga ah ee Hindiya ayaa la aaminsan yahay in ay ka dhalatay cilad xagga Korontada.

Ra'isul wasaare Nyandara Modi ayaa tacsi u diray ehalada asxaabta ay ka geeriyoodeen Ardaydaan.

Faallooyin