Madaxweynaha dalka oo soo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka maaliyada G/Banaadir

Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedaraalka dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa gudoomiye ku xigeenka dhanka maamulka iyo Maaliyada loogu magacaabay Mr Ibraahim Cumar Mahad Alle.


Mr Farmaajo ayaa dhinacyo badan ka fiiriyay ayaa sheegay in Ibraahim dheere uu xilkaan ka soo bixi Karo.


Dhanka kale madaxweynaha ayaa ugu baaqay mas,uulkaan cusub in uu si wacan u guto waajibaadka loo Igmaday oo uu rajeynayo in uu rabbi u Fududeeyo.


Digreetada lagu soo magacaabay Ibraahim dheere in uu noqdo gudoomiye ku xigeenka maamulka maaliyada ayaa khamiistii shalay oo Taariikhdu ahey 23-da May ku dhaqangalaya gobolka Banaadir.

Faallooyin