Xasan Ruuxaani: Iiraan uma dabci doonto cadaadiska Mareykanka

Madaxweynaha dalka Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa sheegay in dalkiisa uusan isku dhiibi doonin dowlada Mareykanka oo cadaadis xoogan ku Heysa.


Ruuxaani ayaa intaa raaciyay in weerar kasta oo kaga yimaada Mareykanka uusan ka jiheyn doonin hadafka iyo ujeedada ay leedahay xukuumada Tehraan.


Maanta ayaa xilli sii horeysay madaxa ugu sareya milatariga Iiraan waxuu sheegay in xiriirka Washington kala dhexeeya uu sii Xoogeysanayo waxaana uu meesha ka saarin dagaal Milatari.

Sargaalkaan ayaa ka digay ciidanka Mareykanka uu ku soo daabulay bariga dhexe isaga oo intaa ku daray in cadow kasta oo soo weerara ay burburin Doonaan.



Dowlada Mareykanka ayaa meesha ka saartay in ay weerar ku tahay Iiraan,balse ay difaaci doonto danaha ay ka leedahay bariga dhexe hadii weerar kaga yimaado Iiraan.


Donald Trump ayaa laalay heshiis Mareykanka uu qeyb ka ahaa wadamada quwadaha ay la galeen Iiraan sanadkii 2015-kii, kaasi oo quseeya arimaha Nuclear-ka Iiraan.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale cunaqabateyn ganacsi saaray shirkadaha dalkaasi waxaana uu hanjabaad xoogan oo u diray dalalka saliida ka soo dhoofsada Iiraan.

Faallooyin