Soomaalida Nairobi oo ka warsugaya xukunka Maxkamada ICC ka gaari doonto muranka xadka ee Kenya ku sheeganeyso Bada Soomaaliya

Soomaalida ku dhaqan xaafada Islii ee magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa walaac ka muujiyay qilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.


Qaar ka mid ah Ganacsatada soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin Arintaan Saameynta ay ku yeelan Doonto.



Waxay tilmaameen in xiriirka labada dal uu muhiim u yahay hanaanka ganacsi iyo kobaca dhaqaalaha ee baayac mushtarka Soomaalida.

Islii oo halbowle u ah ganacsiga wadamada bariga Afrika ayaa tobanaankii sano ee la soo dhaafay waxaa maalgalin xoogan ku sameeyay ganacsato ka barakacday Dalka.

Abdi Xamiid Aaden Axmed oo ka mid ah Ganacsatada Nairobi oo la Hadlay Universal ayaa aad u booriyay dagaalka qabow oo dowlada Soomaaliya ay uga fal celisay qaabkii ay Kenya ula dhaqantay madax ka tirsan dowlada oo safar shaqo ku gaaray Nairobi.


Wuxuu intaa ku daray in ka ganacsato ahaan uu ku taageerayo dowlada Soomaaliya go,aanada Masiiriga ah iyo in aan laga Tanaazulin waxa ay isku hayaan Kenya.


Inkastoo uu sheegay in Kenya aysan guul ka filayn maxkamada ICJ dhamaadka Sanadkaan ayaa hadane wuxuu tilmaamay in ganacsatada waaweyn ay walaac ka qabaan saameynta ay ku yeelan Doonto.

Ganacsatada soomaalida Kenya ayaa dhanka kale isha u taagaya xukunka ay maxkamada ICJ dhamaadka sanadkaan ka gaari doonto bada soomaaliya oo Kenya ay Sheeganeyso.

Faallooyin