Monica Juma oo ka hadashay Mas,uuliyiinta soomaaliya ee loo diiday Vissaha Kenya

Wasiirada Arimaha Dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Kenya Amp Monica Juma ayaa shaaca ka qaaday in aysan ka warqabin mas,uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo loo diiday in ay Isniintii shalay ay galaan magaalada Nairobi.


Ms Juma ayaa sheegtay in ay Muhiim tahay in Mas,uuliyiinta ay soo qaataan dal ku galka ka hor inta aysan Safrin.


Waxay tiri waan safarnaa waxaana ka qaadanaa dal ku gal ka hadii aadan wadanin wey kugu adkaan inaad inaad Safarto.


Ugu danbeyn waxay sheegtay in ay aad ula yaabtay markii ay maqashay in mas,uuliyiin ka tirsan dowlada soomaaliya looga celiyay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta dal ku gal la,aan kuwaasi oo ugu danbeyn talaadada saaka ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Faallooyin