Booliska Kenya oo ka hadlay Sababta ka danbeysa howlgaladii ay ku galeen Xawilaadaha Soomaalida

Booliska Kenya ayaa sheegay in talaabadii maanta ay ku galeen xawaaladaha ku yaal magaalada Nairobi ay la xiriirtay amar ka soo baxay Baanka dhexe ee Kenya.


Talaadada maanta ah ayaa saraakiil ka tirsan booliska Nairobi waxay howlgalo ka sameeyeen 5 xawaaladood oo ay ka mid tahay shirkada Amal iyo Taaj.


Mas,uuliyiinta amniga Kenya ayaa ku macneeyay in sababaha ay shirkadahaan ku tageen ay tahay sidii loo ogaan lahaa hufnaanta iyo hanaanka ay u shaqeeyaan.


Madaxda shirkadahaan iyo gudiga Ganacsatada xaafada Islii ayaa dhankooda goor sii horeysay la hadlay warbaahinta waxaana ay beeniyeen in la Xirayo Shirkadahaan.


Si kastaba ha ahaatee shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa hadal haya maanta howlgalada uu booliska Nairobi ku galay xawilaadaha Soomaalida.

Faallooyin