Kenya oo Beenisay in Dalkeeda ay u diiday Mas,uuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya

Dowlada Kenya ayaa beenisay in dalkeeda in ay galaan ay u diiday mas,uuliyiin sare oo ka tirsan labada gole dowlada Federaalka kuwaasi oo qaarkood xalay lagu qasbay in ay hoydaan garoonka Jomo Kenyatta.


Xubnahaan ayaa qeyb ka ahaa mas,uuliyiin lagu casuumay in ay ka qeyb galaan shir midowga yurub uu taaba galiyay oo looga hadlayo maareynta dhibaatooyinka iyo muranada dhanka Xadka.


Wasiirka biyaha iyo tamarta Cusmaan libaax iyo laba xubnood kala ah Ilyaas Cali Xasan iyo Zamzam Daahir oo ka tirsan golaha aqalka sare ayaa loo diiday Vissaha dalka ku galgalka kuwaasi oo saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.


Mas,uuliyiintan ayaa watay Baasaboorka diblumaasiga balse waxaa laga diiday in Vissaha loo Saaro.


Xubnahaan oo la hadlay Universal ayaa sheegay in saraakiisha garoonka Jomo Kenyatta ay u sheegeen in laga doonayo in Vissaha ay ka soo dalbadaan safaarada Kenya ee Muqdisho.



Si kastaba ha ahaatee laba wasiir oo ka mid ahaa wafdigaan iyo la taliyaha dhanka amniga madaxweyne Farmaajo ayaa ku galay Nairobi Baasabooro ajaaniib ah oo ay Wateen.

Faallooyin