Imaaraadka oo xabsi adag ku riday sadex ka mid ah maxaabiis u dhashay Lubnaan

Maxkamad sare ee Imaaraadka ayaa xukun xabsi ah ku riday sadex muwaadin oo u dhalatay Lubnaan kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen weeraro Argagixiso.


Maxkamada fedaraalka ayaa todobaadkii hore dhageysatay dacwadii u danbeysay oo la xiriirta eedaha loo jeediyay sideeda nin ka hor inta aan maanta la Xukumin.


Mid ka mid ah raggaan ayaa lagu xukumay xabsi daa'in halka laba kale oo ka mid ahaa sideedan nin lagu xukumay min 10 sano oo xabsi Ah.


Xukunkaan ayaa waxaa canbaareeyay hey,ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International waxaana ay ku tilmaantay xukun aan cadaalad Aheyn.


Hey,ada ayaa war saxaafadeed ka soo baxay ku sheegtay in maamulka Dubai uu diiday in qareenada u doodayay muwadiniintaan in ay ka soo hor muuqdaan intii ay socotay Dacwadooda.


Dhamaan sideeda ruux ee Imaaraadka ku eedeeyay in ay qorsheynayeen falalka argagixiso ayaa ah dad shiico ah oo howlo shaqo mudo sanado ah qaarkood u joogay Imaaraadka.

Faallooyin