Jarmalka iyo Holand oo Hakiyay Tababar-ka ay siinayeen ciidanka Ciraaq

Dowlada Jarmalka iyo Netherland ayaa sheegay in ay hakiyeen howlihii.tababarada ciidanka oo ay ka wadeen dalka ciraaq,xilli ay sii xoogeysatay xiisada u dhaxeysa Xukuumada Washington iyo Tehran.

Afhayeenka wasaarada difaaca Jarmalka Jens Flosdorff ayaa sheegtay Arbacadaan in ay joojiyeen tababarada ay ka wadeen dalka Ciraaq si taxadar dheeri ah looga muujiyo ciidanka tababarayaasha ah ee uga sugan Gobolka.


Flosdorff, ayaa sidoo kale sheegtay maalmo kadib ay howlahaan dib u ambaqaadi doonaan walow ay intaa raacisay in aysan jirin cabsi gooni oo ay ka qabaan in la beegsado Xarumahooda.

Dowlada Jarmalka ayaa 160 askari waxay ka joogaan dalka ciraaq kuwaasi oo xukuumada baqdaad ka taageera tababarada Ciidamada.


Wasaarada difaaca Holand ayaa sidoo kale sheegtay in ay joojisay howlihii tababarada ee dalka Ciraaq sida wakaalada wararka ee ANP ay Shaacisay.

Ciidanka tababarayaasha ee Holand ayaa tan iyo axadii aan ka howlgalin dalka Ciraaq kadib amar kaga yimid xukuumada Dutch-ka.

Arintaan ayaa imaaneysa kadib amar ka soo baxay dowlada Mareykanka oo shaqaalaheeda dheeraadka ah ugu baaqday maanta in ay isaga baxaan dalka Ciraaq.

Faallooyin