Kooxo hubeysan oo weerar gaadmo ah ku dilay askar ka tirsan Milatariga Niger

Kooxo hubeysan ayaa weerar dhabo gal ah ku dilay 17 askari oo ka tirsanaa ciidanka Niger,sida uu sheegay afhayeen u hadlay Dowlada.


Weerarkaan ayaa waxaa sidoo kale lagu la'yahay 11 askari kaasi oo ka dhacay meel u dhow magaalada Tonga,sida uu wakaalada wararka Reuters u sheegay arbacadan maanta ah Abdiraxmaan Zakariya.


Afhayeenkaan ayaa shaacin mas,uuliyada weerarkaan iyo cida ka danbeysay, balse sanadii 2017-dii ayay kooxda daacish ku dishay afar askari oo ka tirsanaa milatariga Mareykanka.


Maleeshiyaadka taabacsan kooxda daacish iyo Ururka Al-Qaacida ayaa sanadihii danbe weeraro ka geysanayay wadamada ku yaal galbeedka Afrika.

Dalka Niger ayaa dhanka kale wajahaya dhibaato kaga imaaneysa dagaal yahanada Boko Xaraam ee fadhigoodu yahay dalka Nigeria.

Faallooyin