Dibadbaxayaasha Suudaan oo loogu baaqay in ay xoojiyaan ololaha lagu diidan yahay xukunka Milatariga

Ugu yaraan shan Ruux oo ahaa dibadbaxaal ayaa ku dhintay caasimada Khartuum kadib gacan ka hadal dhex maray ciidanka amniga Suudaan.


Arintaan ayaa timid kadib heshiis maalintii shalay aheyd ay gaareen hogaanka xisbiyada Mucaaradka iyo gudiga milatariga, oo ahaa in xil wareejin rayid ah ay sameeyaan milatariga Suudaan.


Isniintii shalay ayey waaxda dacwad soo oogida sheegtay madaxweynihii hore Mr Cumar Al-Bashiir iyo saraakiil kale loo maxkamadeeyay dil loo geestay dad mudaaharadayay intii uu Xukunka Hayay.

Kumanaan kun oo ka mid ah shacabka Suudaan ayaa teendhooyin ka dhistay afaafka hore ee wasaarada difaaca kuwaasi oo dalbanaya in Milatariga uu xukunka ku wareejiyo maamul Rayid ah.


Inkasta oo xilli habeen ah ay tahay ayaa hadane dibadbaxayaasha waxay ku dhawaaqeen in dhiigooda huri doonaan ilaa  madaxda milatariga ay xukunka ku soo Wareejinayaan

Faallooyin