Ururka Xisbullah oo sheegay in Mareykanka uu ku fashilmi doono Bariga Dhexe

Mid ka mid ah saraakiisha sare ee xisbiga Xisbullah Shiiq xasan Nasrullah ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu jahawareerinayo hormarka bariga Dhexe.


Hogaamiye ku xigeenka labaad ee Urur-ka Xisbullah Shiikh Naciim Khaasim ayaa sheegay uu og yahay in awood uusan ku maquunin karin dagaal yahanada ku sugan bariga gaar ahaan kooxda Xisbullah.

Ma dhici karto in uu sameeyo waxa uu doonayo gaar ahaan in uu ka taqaluso kooxda xisbullah oo ka soo horjeeda siyaasada Israel.


Shiikh Khaasim ayaa ku booriyay hogaamiye yaasha wadamada carbta in ay dib u eegis ku sameeyaan siyaasadooda dibada.

Wuxuu intaa raaciyay in Mareykanka uu doonayo in uu kala qeybiyo Carabta balse uu ku fashilmi Doono.


Xoghayaha Ururka Xisbullah Shiikh Xasan Nasrullah ayaa 8-dii bishii maarso waxuu u mahad celiyay dowladaha Iiraan iyo Suuriya sida ay u maareeyeen siyaasada xukuumada Tel Aviv.

Faallooyin