UK oo xaqiijisay in gabar shaqaale ah looga Xiray dalka Iiraan

Gudiga shaqaalaha dalka Britain ayaa shaaciyay in mid ka mid shaqaalahooda lagu xiray dalka Iiraan oo loo heesto falal Basaasnimo.


Madaxa hey,ada dhaqanka Britain Ciarán Devane ayaa war saxaafadeed ka soo baxay talaadada maanta ah lagu sheegay in gabar lagu magacaabo Aras Amiri oo 32 jir ah oo ku xirneyd hal sano dalka Iiraan lagu xukumay 10 sano Xarig ah.


War saxaafadeedkaan ayaa imaanaya maalin kadib markii sargaal sare oo ka tirsan waaxda garsoorka Iiraan uu sheegay in xukun ay xabsi ah ay ku rideen gabar basaas u aheyd dowlada UK.


Afhayeenka waaxda garsoorka Iiraan Gholamhossein Esmaili, ayaa  xaqiijiyay in gabadhaan ay la shaqeyneysay laanta Sirdoonka Ingariiska.


Wuxuu intaa raaciyay in Iiraan ay u timid mashaariic la xiriira dhaqanka,balse ay la xiriiri jirtay ciidanka amniga UK si macluumaad ay u Siiso.

Faallooyin