Hakad ku yimid howlihii Shidaal ka ee dalka Sacuudiga

Wasaarada Tamarta ee dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in ay hakisay soo saarida iyo daabulida shidaalka qeybo ka mid ah dalkeeda kadib markii kooxaha xuutiyiinta ay gantaalo ku weerareen xarun laga soo saaro Shidaalka.


Khaalid Al-Faalix ayaa tilmaamay in waaxda qaran ee batroolka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Aramco ay talaadada maanta ah hakisay howlihii dhuunta shidaalka ee ka soo qaadi jirtay gobolka bari ee hodanka ku ah Saliida ee geynayay bada Cas.


Wuxuu intaa raaciyay in ay dayactirayaan laba goobood oo la bartilmaameed saday kuwaasi oo waxyeelo soo Gaartay.

Mr Khaalid ayaa intaa ku daray in weerarkaan uu ahaa fal Argagixiso,balse aysan u joojin doonin Howlahooda.


Dhuuntan shidaal oo dhirirkeedu yahay 1,200-kilometer (750-mile) oo isku xirta bariga sacuudiga iyo bada Cas ayaa maalintii qaada ugu yaraan 5 million oo barmiil oo Shidaal.

Faallooyin