Uk oo ka digtay cawaaqibka ka dhalan kara weerar Mareykanka ku qaado Iiraan

Wasiirka arimaha dibeda UK Jeremy Hunt ayaa ka digay haliska ka dhalan karta dagaal dhexmara dowladaha Iiraan iyo Mareykanka.

Waxaan ka walaacsan nahay halista ka dhalan karta dagaal aan xiligaan laga fiirsan cawaaqibka ka dhalan kara.


Mr Hunt ayaa hadalkaan ka sheegay magaalada caasimada ah ee Brussels oo ay kulan ku qaateen wasiirada arimaha dibeda midowga Yurub.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dagaal Mareykanka uu ku qaado Iiraan ay sii murjin karto xaalada bariga dhexe iyo guud ahaan dareenka Caalamka.


Tan iyo markii la dhaariyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu kordhiyay cadaadiska saaran dalka Iiraan.

Xoghayaha arimaha dibeda Mareykanka Mike Pompeo iyo la taliyaha dhanka amniga Mareykanka John Bolton ayaa sheegay in wadada ugu wanaagsan ee Iiraan talaabada looga qaadi karo ay tahay Arin Milatari.

Faallooyin