Weerarada ka dhanka ah dadka muslimiinta oo ku soo badanaya dalka Sri Lanka

Dowlada Sri Lanka ayaa bandow xiliga habeenkii ah ku soo rogtay guud ahaan dalkaasi kadib qaraxyadii ugu xumaa ee dhacay fasaxii Easter oo dadka aan islaamka aheyn ay u dabaal Dageen.

Amar ka soo baxay madaxda Booliska ayaa lagu sheegay in bandowga uu bilaaban doono 9-ka Pm oo u dhiganta 15-ka galabnimo ee xiliga Maxaliga ah ee Afrika.

Saraakiil la hadashay wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay in bandowgaan looga gol leeyahay sidii looga hortagi lahaa isku dhacyo dhexmara Muslimiinta iyo Masiixiyiinta Sri Lanka.


Meelaha sida goonida ah uu Bandowgaan u saameyn doono ayaa waxaa ka mid degmooyinka
Puttalam, Kurunegala iyo degmada Gamphala oo u dhow magaalada caasimada ah ee Colombo.


Muslimiinta ku nool gobolka  waqooyi galbeed ayaa sheegay in masaajido iyo xarumo ganacsi oo ku yaal aagaasi labadii maalin ee la soo dhaafay ay weeraro qasaare hantiyadeed dhaliyay ay ka geesteen koox Masiixiyiin Ah.

Nin diiday in magaciisa la sheego ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in markii weeraradaan lagu soo qaadayay masaajidada iyo xarumaha ganacsi ay ciidanka kor daawanayeen.

Wuxuu intaa raaciyay markii ay isku dayeen in ay ka fal celiyaan Booliska uu ku amrayay in guryahooda ay ku Sugnaadaan.

Faallooyin