Madaxtooyada Kenya oo ka hadashay maqnaashaha Uhuru Kenyatta

Madaxtooyada dalka Kenya ayaa ka hadashay hadal ay isla dhexmarayeen maalmihii la soo dhaafay shacabka Kenya oo ahaa in mudo laba asbuuc ah la la yahay madaxweyne Uhuru Kenyatta.


Madaxa dhanka xiriirka iyo istaraatiijiyada ee madaxweyne Kenyatta Ms Kanze Dena ayaa sheegtay in madaxweynaha uu caafimaad qabo kuna mashquul san yahay howlaha Qaranka.

Marwo Dena oo wareysi siineysay isniinta maanta ah idaacad maxali ah oo ku taal gudaha Kenya ayaa sheegtay in Uhuru uu xafiiskiisa xaadiro maalin waliba tan iyo markii uu ka soo laabtay dalka Shiinaha.

Waxay sheegtay in ay soo dhaweysay markii ay maqashay qabarka ay isla dhexmarayaan dadweynaha oo ahaa in uu maqan yahay madaxweynaha walaacna ka Qabaan.

Haweeneydaan ayaa ugu danbeyn balan qaaday in sawirada madaxweynaha ay la wadaagi doonto muwaadiniinta Kenya si ay ugu xaqiijiso in uu Badqabo.

Faallooyin