Midowga Yurub oo sheegay in aysan aqbali doonin in Mareykanka uu ku qasbo in ay ka baxaan heshiiska Nuclear-ka Iiraan

Madaxa siyaasada ee arimaha dibeda midowga Yurub Federica Mogherini ayaa sheegtay in midowga Yurub uu si buuxda u taageeri doona heshiiska caalamiga ahaa ee dhanka Nuclearka ay wadamada quwadaha la gaareen dalka Iiraan sanadkii 2015-kii.


Ms Mogherini ayaa tilmaantay in ay ka go,antahay xoojinta heshiiskaan ayna wadi doonaan taageerada Iiraan inta ay awoodaan,xilli Iiraan ay cunaqabateyn kala kulmeyso dowlada Mareykanka.

Ku dhawaaqida Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo xoghayaha amuuraha dibeda Mareykanka Mike Pompeo la filayo in maanta galinka danbe uu gaaro magaalada caasimada ah ee Brussels halkaasi uu wadahadal ku aadan arintan Iiraan kula yeelan doono saraakiil ka tirsan midowga Yurub.

Madaxa siyaasada arimaha dibeda midowga Yurub Federica Mogherini ayaa qirtay in lagu soo wargaliyay kulanka Pompeo waxaana ay tilmaantay in ay ka hor imaan doonaan dadaalada Mareykanka ee ka dhanka ah Iiraan.

Faallooyin