Shiinaha oo canshuur dheeraad ah ku soo rogay shixnadaha Ganacsi ee Mareykanka

Dagaalka Ganacsi ee u dhaxeeya dowladaha Mareykanka Iyo shiinaha ayaa sii xoogeestay kadib markii isniinta maanta ah uu Shiinaha ku dhawaaqay in canshuur dhan 60 Billion oo doolar-ka Mareykanka uu ku kordhiyay badeecadaha Mareykanka uu u iibgeeyo Dalkiisa.


Arintaan ayaa timid kadib markii dowlada Mareykanka ay 200 Billion ay ku soo rogtay alaabaha shiinaha uu soo saaro ee loo iibgeeyo Mareykanka.


Wasaarada ganacsiga ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay maanta lagu sheegay in 5,140 oo badeecadaha laga keeno Mareykanka laga qaadi 60 billion laga bilaabo bisha June ee soo Socota.


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trumo ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku soo qoray fariin ku socota dhiggiisa shiinaha Mr Xi Jinping oo aheyd in ay dhibtoon doonaan hadii hadii shiinaha si cadaalad ah uu Maareyn waayo heshiiska ganacsi ee labada Dal.


Trump ayaa dhanka kale sheegay in shirkadaha shiinaha uu ku qasbi doono in ay isaga tagaan dalka Mareykanka hadii xukuumada Bejing ay diido in ay aqbasho Heshiiskaan.


Arintaan ayaa durbaba saameyn ku yeelatay suuqyada Ganacsi ee dalkan ku yaal qaarada aasiya.


Agabyada Mareykanka uu u iibgeeyo shiinaha sida Batteriyada Kafeyga iyo abuurka beeraha ayaa saameyn ku yeelan doonta Canshuurta cusub ee Shiinaha.

Faallooyin