Ciyaad Al-Baqdaadi oo si murugo leh kaga codsaday dowlada Norway in ay sugto Amniga Qoyskiisa

Iyad Al-Baqdaadi oo ah nin u ololeeya dhanka dimuquraadiyada si xooganna u dhaleecaya siyaasada dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ka codsaday dowlada Norway in ay sugto amniga Qoyskiisa.


Ninkaan oo u dhashay dalka Falastiin ayaa bishii la soo dhaafay meel amaan ah waxaa geeyay ciidanka amniga Norway kadib markii cabsi dhanka amniga ah ay ka soo wajahday dowlada Sacuudiga.


Al-Baqdaadi oo ah qoraa dhanka Internet-ka ayaa qeyb ka ahaa dibadbaxyo lagu riday dowlado badan oo dalalka carabta tan iyo sanadkii 2011-kii waxaana uu wax ku qoraa luuqada Ingariiska.

Kadib shir jaraa,id uu maanta ku qabtay caasimada Oslo ee dalka Norway ayaa waxuu yiri qoyskeyga waxay u nugul yihiin in la beegsado waanii baryayaa fadlan suga amniga Qoyskeyga.


25-tii bishii April ayay aheyd markii ciidanka amniga Norway ay gurigiisa ugu tageen Al-Baqdaadi una sheegeen in uu halis ku jiro in la beegsado hadii aan la xoojin Amnigiisa.


Si kastaba ha ahaatee Ciyaad Al-Baqdaadi ayaa saaxiib dhow la ahaa wariye Jamaal Khashoggi oo sideed bil ka hor lagu dilay magaalada caasimada ah ee Istanbul.

Faallooyin