Iiraan iyo Pakistaan oo sameysanaya ciidan Isku dhaf ah

Dowladaha Pakistaan iyo Iiraan ayaa sameyn doona ciidan isku dhaf ah si ay kaga jawaabaan falalka amni darro iyo weerarada ka dhaca xaduuda ay wadaagaan labada Dal.

Arintaan ayaa waxaa ku dhawaaqay madaxweynaha Iiraan xilli Ra'isul wasaaraha Pakistaan booqasho laba maalin ah ay uga bilaabatay caasimada Tehraan.

Todobaadkii la soo dhaafay ayey aheyd markii 14 askari oo ka tirsanaa ciidanka amniga Pakistaan lagu dilay kadib markii weerar dhabagal ah lagu qaaday gaari ay la Socdeen.

Imraan khan ayaa weerarkaan ku eedeeyay koox fadhigeedu yahay dalka Iiraan.



Dhacdadaan ayaa dhanka kale ku soo aadeysa iyadoo bishii febraayo qarax ka dhacay bariga Iiraan lagu dilay 27 askari oo ka tirsanaa ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan.

Xukuumada Tehraan ayaa isla waqtigaas ku eedeysay kooxda Jeyshul Cadli oo ku sugan gudaha Pakistaan.


Muhiimada ugu weyn oo looga hadlay kulanka Imraan Khan iyo Xassan Ruuxaani ayaa waxay tahay xaqiijinta amniga xadka labada Wadan.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Ayaatullahi Cali Khameyni.

Faallooyin