Uganda oo xabsiga dhigtay xildhibaan sheegay in badalayo Yoweri Museveni

Ciidamada amniga Uganda ayaa xabsiga dhigay xildhibaan Robert Kyagulanyi oo sidoo kale loo yaqaan Bobi Wine.


Ninkaan oo ah hogaamiyaha mucaaradka ayaa xariga loo geestay isniinta maanta ah yimid,xilli uu ku sii jeeday degmada Busabala.


Maalmo ka hor ayey aheyd markii uu sheegay in Cumar Xasan Al-Bashiir ninka ku xiga ee talada laga qaadi doono uu yahay hogaamiyaha Uganda.


Waxaa la aaminsan yahay in doonayay in uu qabto shir Jaraa'id oo uu kaga hadli rabay arimo la xiriira tacadiyada ay geysanayaan ciidanka booliska Uganda.

Inta aan la xirin Wine ayaa waxaa isku dhacay taageerayaashiisa iyo ciidanka Booliska oo adeegsaday Sunta dadka ka Ilmeysiisa.

Isla waqtigaas ayaa xildhibaan Wine waxaa uu ku soo qoray barta uu ku leeyahay Twitter-ka in booliska ay burburiyeen gaarigiisa si aan sharci aheyn na ay ku xireen.

 
Ilaa iyo hada lama oga halka ay ciidanka booliska Uganda la aadeen xildhibaan ka degmada bari ee Kyadondo.

Bilowgii bishan ayey aheyd markii Wine uu ku dhawaaqay in uu xilka kala wareegi doono madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni doorashada dhaceysa sanadka 2021-da.

Faallooyin