Mareykanka oo mudo gaaban u qabtay in ay ku joojiyaan wadamada shidaalka ka iibsada Iiraan

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa u sheegay isniinta maanta ah dalalka Japan, koonfurta Korea, Turkiga Shiinaha iyo Hindiya in aysan huri doonin cunaqabateyn dhaqaale oo kaga timaada Mareykanka hadii aysan joojin shidaalka shidaalka ay ka soo iibsanayaan dalka Iiraan.


Mareykanka ayaa mudada uu siiyay dalalkaan waxay ku egtahay 2-da bisha shanaad ee May.

Xoghayaha Arimaha dibeda Mareykanka  Mike Pompeo ayaa warfidiyeenada u sheegay waxaan u soconaa ebar oo uu ula jeeday in ay ka taqalusayaan dalalka ganacsiga shidaalka kala dhaxeeya Iiraan.

Pompeo ayaa yiri waan in ay si buuxda u joojiyaan macaamilka dalalka kor ku xusan shidaalka ay ka soo dhoofsanayaan Iiraan hadii kale Mareykanka uu joojin doono ganacsiga kala Dhaxeeya.


Madaxweyne Trump ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay waday cadaadis dhaqaale oo ka dhan ah xukuumada Tehraan.

Faallooyin