Maithripala Sirisena oo caawa ku dhawaaqi doona xaalad deg deg ah oo lagu soo rogayo Sri Lanka

Maxaxweynaha Sri Lanka Maithripala Sirisena ayaa ku dhawaaqi doona xaalad deg deg ah oo guud ahaan lagu soo rogayo dalkiisa habeenimadan isniinta ah.


Arintaan ayaa waxaa looga gol leeyahay sidii laamaha Milatariga loo siin lahaa waqti si ay gacanta ugu soo dhigaan xubnaha lagu tuhmayo weerarkii shalay dadka faraha badan ku dhinteen.


War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu xaqiijiyay in xaalada deg deg ah oo Sri Lanka gali doonto looga hortagayo kooxaha Argagixisada.

Sri lanka ayaa dhanka kale sheegtay inta ay socoto xaalada deg dega ah ee lagula macaamilayo kooxaha argixisada aysan ku xadgudbi doonin xorriyada hadalka.


Madaxweyne Donald Trump ayaa isna ka tacsiyadeeyay mashaqadaan waxaana uu balan qaaday in dalkiisa uu garab taagnaan doono Mareykanka.

Faallooyin