Sacuudiga oo xabsiga dhigay shaqsiyaad qorsheynayay weeraro Argagixiso

Laamaha amniga Sacuudiga ayaa xabsiga u taxaabay 13 qof oo lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin kooxda la magacbaxday dowlada Islaamka ee ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaq.


Wakaalada wararka Sacuudiga ayaa tabisay in raggaan lagu qabtay dhisme ku yaal waqooyiga caasimada Riyaad.

Afhayeenka boqortooyada ayaa u sheegay SPA in 13 ka ruux ay dhamaantood yihiin muwaadiniin u dhalatay Sacuudiga oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Daacish.


Dhismaha uu howlgalkaan ka dhacay ayaa sidoo kale waxaa laga soo saaray hub iyo bambooyin la doonayay in loo adeegsado weeraro ka dhan ah Boqortooyada.


Howlgalkaan ayaa imaanaya kadib weerar fashilmay oo axadii shalay koox dabley ah ay ku qaaday fariisin ay booliska ku leeyihiin magaalada yar ee Zulfi oo 250 kiilo mitir dhanka waqooyi galbeed kaga beegan caasimada Riyaad.


Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in la dilay afar dabley ah oo weerarka ka danbeysay halka sadex askari oo booliska ka tirsan ay ku dhaawacmeen.


Kooxda daacish ayaa website keeda Amaq ku xaqiijisay in ay ka danbeysay mas,uuliyada Weerarkaan.

Faallooyin