Wasiir ka tirsan xukuumada Sri Lanka oo weeraradii shalay ku eedeeyay madaxweyne Maithripala Sirisena

Wasiir caafimaadka Sri Lanka ayaa ku eedeeyay qaraxyadii shalay dadka badan ay ku dhinteen koox maxali ah oo ku sugan wadankan ku yaal koonfurta Aasiya.

Ku dhowaad 300 oo ruux ayaa ku dhintay qaraxyadii shalay halka 500 oo kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo ku sugnaa kaniisado iyo hoteelo ku yaal magaalada Colombo.


Rajitha Senaratne oo ah wasiirka caafimaadka ayaa dhanka kale ku eedeeyay madaxweyne dowlada Maithripala Sirisena in ay ku fashilantay in ay ka hortagto weerarkaan oo laba todobaad ka hor sirdoonka ka digeen.


Isaga oo ka hadlayay kadib shir Jaraa,id oo uu ku qabtay magaalada Colombo ayuu ku baaqay in talaabo laga qaado kooxda Jamaacaad Al Towxiid.


Guud ahaan wadamada caalamka ayaa canbaareeyay weerarkaan waxaana ay balan qaadeen in ay garab taagan yihiin xukuumada Sri Lanka.

Faallooyin