Qaxootiga ku nool Dadaab oo codsaday in laa caawiyo Bisha Ramadaan

Shacabka soomaaliyeed ee qaxootiga ku eh xerada Dadaab ee gobolka waqooyi Bari Kenya ayaa ku baaqay in la caawiyo inta lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan.


Qaar ka mid horjoogayaasha xerada dhagaxleey iyo Ifo oo la soo xiriiray Universal ayaa sheegay in ay liidato xaalada nololeed ee qaxootiga gaar ahaan kuwii laga soo raray sanadkii hore xerada Ifo laba oo la xiray.



Wadamada deeq bixiyeyaasha ah iyo hey,ado Islaami ah oo siin jiray caawinaad xiliyaadan oo kale ayaa yaraaday sabobo la xiriira dhibaatada ka jirta dalalka carbeed sidaasi waxaa Universal u sheegay Ruqiya Mahad Samatar.


Ugu danbeyn waxay ka codsatay qurba joogta soomaalida iyo dadka kale ee ilaah dhaqaalaha u dhiibay in ay il gaar ah ku fiiriyaan walaalahooda aan heysan dhaqaale ay uga baxaan bisha Ramadaan.

Faallooyin