Midowga Afrika oo digniin u diray dalka Suudaan

ADDIS ABABA

Ururka Midowga Afrika ayaa isniinta maanta ah ku hanjabay in ganaax ay ku soo rogi doonaan dalka Suudaan kadib afganbigii todobaadkii hore xilka looga tuuray Cumar xasan Al-Bashiir oo talada hayay 30-kii sano ee la soo Dhaafay.


War saxaafadeed ka soo baxay midowga ayaa lagu sheegay hadii Milatariga ay dhici weyso in mudo 15 maalin ah ay gacanta u soo galin waayaan xukunka maamul rayid ah laga mamnuuci doono suudaan xubnaha ay ku leedahay Ururka midowga Afrika.


Gudiga nabada iyo amniga Afrika ayaa qeexay in tani ay la macno noqon doonto in Suudan ay xaadiri karin shirarka Afrika.


Mudaaharaad ka bilowday suudaan 19 bishii December ee sanadkii hore ayaa ugu danbeyn todobaadkii hore xilka looga tuuray cumar xasan Al-Bashiir.

Faallooyin